Dadka Reer Tanzania weligood waxa ay ku noolaayeen Dhul duurjoogtu ku badan tahay oo Libaaxyo badan ay joogaan. Mar dhaw ayaa Raxan Libaaxyo ah oo Dad cun ahi ku soo bateen Deegaanka sida horeba mar mar u dhici jirtay. Mana ahan wax ku cusub oo Qarniyaal iyagaa Libaaxda iska difaaci jiray.

Waxaa lagu yiri: waxaa Dalka Mareykanka la idiinkaga keenaa khabiir Mareykan ah oo ku takhsusay sida libaaxyada loola dagaalamo, wuxuuna qaadanayaa Lacag fara badan,( F.S:1aad)

Advertisement

Ninkaasi weligii kuma noolaan keyn Libaaxyo joogaan Dalkiisana lagama helo keeymaha Libaaxyada. Inkasta oo arintaan ay ka qeylisay Hayaddaha ” Fish and Wildlife Services (FWS) iyo International Wildlife Conservation” ee u doodada Xayawaanka la dabar gooynayo.
Danta ugaaraiga Libaaxo ma ahan oo kaliya in la caawiyo Dadka Reer Tanzaniya sida ka muuqatay maamulkii Md. Trump.

(( The Trump administration has authorized a Florida man to bring back the “skin, skull, teeth and claws’ of a lion he hunted in Tanzania, granting the first permit to import a lion from that country since the species gained protection under the US Endanger))

Somaliya, Waxaan sugeynaa khubaro lacag badan lagu siiyo in ay na baraan sida Geele loo dhaqado. Loo raro, loo liso iyaga oo aan weligood Geel dhaqan, kuwo na baro Magacyda aan leenahay, kuwii Somalidii hore, Taariikhdeena iyo Taariikhada Islaamka.

Waxaa nala aaminsiiyay in Gaaladu ay wax kasta nooga aqoon badan yihiin oo ay na bari karaan. Taas oo ah Been abuur iyo Qorshe mar hore laguu dagay si laguu aaminsiiyo iyada oo laguu soo qaadanaa Tusaalayaal raqiis ah.

Aamin ama ha aamini, Ogow, Hadda waxaa jiro, Gaalo loo diyaariyay in ay Diinta na baraan iyaga oo noo soo marayo Hayado Sama fal iyo Wadamo Islaam ah. (F.S:2aad)

Caqligu ha shaqeeyo, hana leeysku badnaado waa iga Talo.

Qore: Yahya Amir

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here