Siyaasiga caanka ah axildhibaan C/raxmaan C/shuiuur Warsame ayaa bartiisa Facebook soo dhigay qoraal uu kaga hadlayo jiyab jab ay siyaasada ka muujiyeen dhalinyaro uu sheegay inuu la kilmay.

Xildhibaanka qoraalkiisa ayaa sidan u qornaa:-

Advertisement

Walaac xoog leh ayey leedahay sida aqoonyahan iyo dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed oo aan la kulmo kaga niyadjabsan yihiin dhaqan siyaasadeedka ka sii deraya ee horwaynta siyaasada.

Niyadjabka waxaa sabab u ah arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin fursado shaqo la’aan ah oo ay ka simanyihiin kuwooda aqoonta leh iyo kuwa aan aqoonta sare lahayn. Intaa waxaa dheer, sicirbarar xad ka bax ah, musuqmaasuqa baahsan, fursadihii shaqada, qandaraasyada iyo adeegga la talinta oo lagu bixinayo eex iyo garab ee aan loo eegaynin aqoon iyo mutaysi.

Waxybaaha niyadjabka sii xoojinaya waxaa ka mid ah in shacabkii dushiisa lagu kala iibsado siyaasaddii, iyadoo si cad oo bareer ah taageerada Dastuurka cusub ee dalka loo sameeyey looga iibsaday madaxdii dawlad goboleedyada in ay doorasho la’aan xafiiska iska joogaan.

Tani waxay dhaawacday sharciyaddii awalba nuxuuska ahayd ee madaxda dalka, iyadoo Golalaha Wadashiga Qaran ka dhigaysa “Naadiga Madaxweynayasha aan la dooran”

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here