Kismaayo (dayniiile.com)-Sida uu saxaafada la wadaagay Sarkaal a tirsan Booliiska Dowlad Goboleedka Jubaland waxay soo qabteen gabdho iyo wiilal ku eedeysan inay garaaceen wiil reer Kismaayo ah islamarkaana video ka duubeen.
Labada Gabdhood ayaa wiil qaab shukaansi ah ugu balansadeen gurigooda kadibna markuu yimid ayay ka dalbadeen inay garaacaan 4 wiil oo ay hore guriga ugu sii diyaarsadeen.
Sida sarkaalkaani sheegay xitaa gabdhuhu gacmaha kama laaban oo waxay dhankooda ka gaaraaceen halkii wiil .
“falkaani xalay fiidkii buu dhacay waxaana noo suurtagashay inaan soo qabano eedeysanayaasha dhamaantood oo kala ah 2 Gabdhood iyo 4 wiil,sharciga ayaan la tiigsan doonaa”ayuu yiri Sarkaalkaasi u hadlay Booliiska Kismaayo
Dhanka kale wuxuu uga digay dhamaan shacabka reer Kismaayo inay soo min guuriyaan falal dhawaan ay ka arkeen baraha bulshada,wuxuu tilmaamay inay sharciga geyn doonaan cid kasta oo isku dayda fal nuucaas ah.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii Gabdho ay Xamar ku garaaceen wiil ay gurigooda ku balansadeen.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM