TEL AVIV (DAYNIILE.COM)-Dibad-baxayaal ayaa isugu soo baxay magaalada Tel Aviv si ay uga mudaaharaadaan xukuumadda Benjamin Netanyahu, waxayna ku baaqayaan in la soo hormariyo doorashooyin, iyo sidoo kale in la sii daayo maxaabiista ku jirta Gaza.

Dibadbaxan oo ay dhigayaan kumannaan qof ayaa ka socda bannaanka hore ee xarunta wasaaradda gaashaandhigga, halkaasoo ciidamada booliska ay xireen waddooyinka qaar.

Advertisement

Mudaaharaadayaashu waxay sheegeen in dawladdu aanay dan ka lahayn maxaabiista oo ay dalka u horseedayaan burbur.

Banaan baxayaasha boorarka ay wataan waxaa qaarkood ku qoran Natenyahu waa danbiile iyo ereyo kale taasoo cadeyneysa in xukunkiiwu dadku sii nacayaan.

 

Dagaalkan ayaa ka dhashay weerar ay Xamaas hoggaaminaysay oo lagu qaaday koonfurta Israa’iil 7-dii Oktoobar halkaas oo ku dhawaad ​​1,200 oo qof lagu dilay in ka badan 250 qofna lagu qabtay.

SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Demonstrations in Tel Aviv against Netanyahu and to bring back the captives.

Demonstrations in Tel Aviv against Netanyahu and to bring back the captives.

Demonstrations in Tel Aviv against Netanyahu and to bring back the captives.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here