BALADWEYNE (DAYNIILE.COM)-Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka  CabdullaahiMaxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa ku sugan Magaalo madaxda Gobolka Hiiraan ee Baladweyne halkaasoo uu howlo shaqo u joogo taliyuhu.

Taliyaha oo si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Baladweyne ayaa kulamo la qaatay qeybaha bulshada siyaasiyiinta iyo waxgaradka Gobolka Hiiraa qaarkood.

Warar ku dhaw dhaw Taliyaha ayaa dheegaya in  mid ka mida qorshayasha Sambaloolshe u tagay Baladweyne ay tahay sidii loo dar dar gelin lahaa dagaaladii ka dhanka ahaa kooxda Alshabaab.
Taliyaha wuxuu arimahaan kala hadlay qaar ka mid ah Xildhibaanada Gobolka laga soo doorto iyo oayaasha dhaqanka qaarkood xili uu diirada saaray muhiimadda ay dowladda u leedahay in Alshabaab dalka laga saaro.
Dhanka kale Taliyaha Nabad Sugidda Qaranka C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe wuxuu Magaalada Baladweyne kaga qeybgalayaa  Caleema Saarka Ugaaska Guud ee Beesha Xawaadle Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of 6 peopleMay be an image of 13 peopleMay be an image of 6 peopleMay be an image of 7 peopleMay be an image of 5 people and textMay be an image of 5 peopleMay be an image of 5 people and textMay be an image of 6 peopleMay be an image of 3 people and textMay be an image of 3 peopleMay be an image of 14 peopleMay be an image of 7 peopleMay be an image of 3 people
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here