Sida aan ka soo xiganay Idaacada Star FM  weerar kooxda Alshabaab ay ka fuliyeen xuduuda Kenya iyo Somalia ayay ku dileen askari Sarkaal ahaa, una dhashay dalka Kenya.

Sarkaalka la dilay ayaa ah Booliis ku sugnaa aagga Yumbis ee xuduudda waxaana sidoo kale weerarkaasi ku dhaawacmay sarkaalkaal kale oo goobaha caafimaadka la gaarsiiyay.

Advertisement

Taliyaha booliiska ee ismaamulka Garissa John Samburumo ayaa xaqiijiyay saraakiisha midna la dilay midna la dhaawacay.

Magaca Sarkaalka la dilay ayaa lagu sheegay Francis Ngugi halka kan dhaawaca ah magaciisa lagu sheegay Gilbert Bet.

Kooxda Alshabaab ee weerarka fulisay ayaa la sheegay inay baxsadeen kadib weerarkooda oo isugu jiray mid toos ah iyo tuuris Bam gacmeed.

Dableyda Alshabaab ee weerarkaani fulisay waxay la baxsadeen qori AK47 iyo 90 xirmo rasaas ah.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM 

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here