Warar dheeraad ah ayaa  ka soo baxaya qarax duhurnimadii Maanta lala eegtay Saraakiil Ciidan oo ku sugnaa meel aan ka fogeyn taliska Booliska Gen. Kaahiye ee magaaladda Muqdisho.

Qaraxa oo la sheegay inuu fuliyey qof watay jaakad lagu soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa waxaa uu ka dhacay Maqaaxi Shaaha laga cabo oo ku taalla agagaarka Dugisga Tababarka Ciidanka Booliska ee Janeraal Kaahiye ee degmada Xamar jajab.

Sidoo kale Warar hordhac ah ayaa sheegaya in Khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh uu ka dhashay, waxaana ku dhintay ku dhawaad 10 qof waxaana ku dhaawacmay ilaa 20- qof kale.

 

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here