Kusimayha Madaxweynaha Galmudug ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal ayaa maanta shir gudoomiyay Shir deg deg ah oo ay isugu yimaadeen golaha Wasiirada Galmudug.

Shirka golaha Wasiirada ee maanta ayaa inta badan xoogga lagu saaray Xaaladaha Cudurka covid-19.

Wasiiru Dowlaha Wasaarada Caafimaadka Galmudug ayaa kulanka looga dhageystay warbixin ku saabsan Xaaladaha Cudurka Covid-19 iyo sida wasaaradda Caafimaadka Galmudug ugu diyaar Garowday in Cudurka uusan Bulshada Galmudug ku dhex faafin.

Marka uu soo idlaaday kulanka Golaha Wasiirada Galmudug ee uu Shir gudoominayay Kusimaha Madaxweynaha Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal ayaa waxaa si wadajir ah warbaahinta ula hadlay Dr Maxamed Nuur Gacal iyo Wasiir Dowlaha Wasaarada Caafimadka Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here