Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa duleedka magaalada Muqdisho ka xiray nin dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay in fal kufsi iyo dil isugu jira u geestay gabar yar oo sideed sano jir ah.

Gabadha yar ee shalay galinkii dambe kufsiga iyo dilka loo geestay oo aheyd gabar agoon ah ayaa ku nooleed xero barakac oo kutaala inta u dhaxeysa magaalada Muqdisho iyo Afgooye  .

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Sidiiq Aden Cali, ayaa sheegay in ciidamada booliiska baaritaan kadib ku guuleesteen in ay gacanta kusoo dhigaan nin lagu tuhmayo falka kufsiga iyo dilka gabadha yar ayna ku socdaan baaritaano.

Falkan kufsiga ah ee ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho ayaa aad waxaa uga argagaxay dadka kunool aaga uu ka dhacay, waxa ayna dadkaasi dalbadeen in cadaalada la marsiiyo dadkii falkaasi geestay.

Magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka qaarkood ayaa waxaa ka dhacay falal kufsi iyo dil isugu jira oo loo geestay gabdho yar yar iyo haween da’ kala duwan ah, waxa ayna falalkan noqdeen kuwa mudooyinkii dambe sii kordhayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here