Kulamo loogu baroor diiqayo Amiir Philip ayaa ka socdaa kaniisado dhowr ah oo ku yaalla guud ahaan caalamka.

Mar sii horreysay Ra’iisul Wasaaraha Australia iyo barasaabka guud ee dalkaas ayaa munaasabad loogu duceynayo Amiirka kaga qeybgalay magaalada Sydney
.
Waxaa socota diyaar garowga duugta Amiir Philip, oo ah seyga Boqorad Elizabeth II, kaas oo geeriyooday maalinimadii Jimcaha.

Amiirka oo 99-sano ahaa, ayaa waxaa faahfaahinta duugtiisa lagu dhawaaqi doonaa maalmaha soo socda, balse waxaa la filayaa in ay noqon doonto munaasabad, oo aysan noqon doonin arin weyn oo dalka u taalla sidii lagu yaqaannay geerida qof boqortooyada ka tirsan.

Waxaa la shaaciyay in Amiirka la aasi doono Sabtida soo socota, oo ku beegan 17-ka April.

Amiir Philip ayaa la sheegay inuu codsaday in loo sameeyo munaasabad yar, dadkuna ma awoodi doonaan inay daawadaan naxashkiisa, waxaana lagu aasi doonaa Windsor Castle.

BBC

Office Nairobi Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here