Hotel Decale:

Waxaa goordhaw bilaaban doona kulanka lawada sugayo ee dhexmaraya R-wasaare Rooble iyo Midawga musharixiinta xubno ka tirsan.
waxaa soo dhamaaday kulamo gooni gooni ah oo ay qolo walba iskeed isu arkayeen.
Rooble waxaa kamid ah madaxda ay gooni isu arkeen, Qoor Qoor iyo Cali Guudlaawe.

Kulankan la filayo in uu dhax maro Ra’isul Wasaare Rooble iyo golaha Midowga Musharaxiinta ayaa looga hadli doonaa rabshadihii jimcihii dhacay iyo sida laga yeelayo banaan baxa mar kale musharaxiinta abaabulayaan ee jimacaha dhicidoona.

Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre ayaa ka baaqsaday shirka Decale ee u socda Midowga Musharaxiinta, Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle.

Lama oga waxa uu kulankan ka bedeli doono xiisada siyaasadeed ee dalka ka taagan gaar ahaan rabshadaha , waxaana kulankan labada dhinac in isugu yimaadaan ku cadaadiyay Wakiilada beesha caalamka oo saacadihii ugu danbeeyay Dawlada iyo musharixiinta cadaadis ku saaray in kulankan uu dhaco, waxaa sidoo kale qayb kaqaatay is aragaan Siyaasiyiin iyo wax garad is xilqaamay.

Qaar kamid ah dadwaynaha kunool aga gaarka km4 ilaa Garoonka diyaaradaha ayaa muujiyay cabsida ay qabaan in dawladu soo weerarto markale mudaaharaadyada nabadeed.

Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre ayaan ka qayb geli dooninshirka Decale ee u socda Midowga Musharaxiinta, balse wuxuu kawar sugayayaa saaxiibadiis kulanka laqaadanaya Rooble.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here