MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Laba dhacdoo oo dil ah ayaa ka dhacay Magaalada Muqdisho kuwaasoo loo wada geystay dumar.

Gabar Jaamacad dhiganeysay ayaa saaka lagu dilay Muqdisho iyadoo markaas u sii socotay Jaamacada,waxaa dilay askari Dowlada Somalia ka tirsan.

Advertisement

Askari ilaalo u ahaa qof masuul ah ayaa rasaas furey taasoo ku dhacday gabadhaasi.

Gabadha oo saaran Gaari hoomey ah ayaa la sheegay in Xabadu ugu gashay gaariga sidaana ugu dhacday kuna geeeriyootay.

Sidoo kale goor dhaw oo galabta ah kooxo hubeysan oo loo maleynaayo inay Alshabaab yihiin ayaa haweeney ku toogtay xaafada nasteexa Degmada Wada-jir Magaalada Muqdisho.

Rag histoolad ku hubeysan ayay ahaadeen markeey xabado ku hub sadeem qaarka kore ee jirkeeda ayay baxsadeen.

XAFIISKA WARARKA 

DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here