Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamud Macallim Cabdulle ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay Agaasimaha cusub ee Hay’adda FCDO (Foreign Commonwealth and Development Office) Mudane Christopher Pycroft.

Kulanka labada mas’uul oo daarnaa isbarasho ayaa ka dhacay Safaradda Boqortooyada UK ee Magaalada Muqdisho, waxaana looga hadlay howlaha ay SoDMA qabato iyo arrimaha la xariira awood dhiska, ka digista halis-wadareedyada iyo ka jawaabidda gurmadka degdega ah .

Advertisement

Shirkaan waxaa sidoo kale looga wada hadlay sidii wada-shaqeyn dhaw u yeelan la hayeen labada Hay’addood, lana iska kaashado badqabka iyo Badbaadinta Dadka Soomaaliyeed, si gaar ah digniinaha iyo xogaha quseeya, abaaraha, saameynta isbedelka cimilada iyo garab istaagga Caruurta iyo haweenka si looga baaqsado xaalad adag oo soo wajahda buslshada Soomaaliyeed.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here