Go’aanka Real Madrid ay dib ugu soo celisay Brahim Diaz ayaa ku qasbay AC Milan inay suuqa ka raadiso badalkiisa waxaana lagu soo waramayaa inay soo qaateen labo magac.

Advertisement

Daabacaada saaka ee La Repubblica (oo loo sii marayo PianetaMilan), maamulka Milan ayaa aaminsan in Daichi Kamada ama Lazar Samardzic ay noqon karaan astaanta saxda ah ee lagu bedeli karo Brahim Díaz, kaasoo dib ugu laabtay caasimada Spain ka dib seddex sano oo amaah ah.

Kamada ayaa beeca xorta ah kaga tagi doona Eintracht Frankfurt maadaama uu heshiiskiisu dhacayo dhamaadka xiliciyaareed kaan, waxaana heshiis afka ah laga helay Milan oo uu kula jiro heshiis afar sano ah oo uu ku qaadanayo 2.7 milyan euro xilli ciyaareedkii. Waxa soo haray waa in lagu dul riixo khadka.

Dhanka kale, Rossoneri ayaa ku raad joogta Samardzic, kaasoo u ciyaara sidoo kale khadka dhexe ee weerarka ama ciyaaryahan Box-to-box Udinese. Milan ayaa dooneysay ka hor inta uusan ka dhaqaaqin Hertha BSC una dhaqaaqin RB Leipzig, halka Napoli ay sidoo kale dooneyso

Previous articleKulamada Golaha Shacabka oo la hakiyay
Next articleShir u dhexeeyay DS, IMF iyo Bangiga Adduunka oo lagu soo gabagabeeyay Nairobi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here