laba musharax oo u tartamayay kursiga tirsigiisa yahay #Hop233 oo ay utaagnaayeen ilaa shan musharax ayaa sheegay in doorashada ay qaadaceen  , waxayna isaga baxeen hoolka doorashada.

Musharixiinta kala ah Muna Cali Cabdullahi iyo Ibraahim Aadan Muuse oo banaanka hoolka kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Raisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar ) uu boobay ergada dooranaysa Kursigooda .

Waxa ay ku edeeyeen in kursigooda uu Mahdi Guuleed u qoray ergo aan ku beel aheen kuwaa oo laga soo xulay beelaha kala duwan ee ku nool magaalada Muqdisho taasna ay keentay in ay qaadacaan doorashada.

Waxa ay sheegeen in Ra’Iisul Wasaare Ku xigeenka dalka Mahdi Guuleed ay ku dacwayn doonaan beesha caalamka si kursigaasi laboobay wax looga qabto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here