Khudbadda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Shirka Loo Dhan Yahay ee LDC5 ee hal-ku-dheggiisu yahay: Ka faa’iidaysiga khayraadka la haysto si loo gaaro barwaaqo

 

Advertisement

Madaxda sharafta leh, Mudanayaal iyo Marwooyin, sharaf ayay ii tahay in aan idin kala hadlayo shirkan shanaad ee muhiimka ah ee Qaramada Midoobay ee ku saabsan Dalalka Horumarkoodu Hooseeyo, kaas oo ka dhacay dalka quruxda badan ee Qatar.

 

Xaqiiqdii, waa in aan xaqiijinnaa sidii aan fursaddan ugu adeegsan lahayn in aan si dhab ah uga baaraandegno isla markaasna si wadajir ah u hirgelinno qorshe-dejinnada iyo istaraatijiyooyinka dardargelin kara horumar waara oo ka hirgala goobaha kaalmada caalamiga ah loogu baahida badan yahay – iyo inaan ka faa’iidaysanno khayraadka iyo fursadaha badan ee ka jira Dalalka Dhaqaale ahaan hooseeya si aan dhabbaha ugu xaarno horumar iyo barwaaqo ay gaaraan dadkeenna.

 

Waxa aan uga mahadcelinayaa Qaramada Midoobay iyo dhammaan hay’adaheeda iyo dowladda Qatar sida ay dadaalkooda u mideeyeen sidii ay u qaban lahaayeen wada-tashigan caalamiga ah isla markaasna muhiimka ah yimidna xiligii loogu talagalay ee ku saabsan sidii loo soo saari lahaa baaq hawl fulineed si loo gaaro natiijooyin wax ku ool ah oo Dalalka Dhaqaale Ahaan Hooseeyo u gaaraan horumar waara. Sidaas awgeed, xilligan oo adduunka isku tiirsan yahay lana wadaago caqabado iyo fursado isku mid ah, waa in aynaan cidina ka tegin haddii ay dhab naga tahay horumar waara iyo barwaaqo ay gaaraan dadka ugu nugul ee caalamka ku nool.

 

Dalalka Horumarkoodu Hooseeyo sida Soomaaliya oo kale waxaa ka jira fursado iyo khayraad qani ah oo aan laga faa’iidaysan, hase ahaatee caqabaddu waxa ay tahay sidii fursadahan loogu baddali lahaa horumar iyo barwaaqo ay gaaraan dadkan oo ka mid ah kuwa adduunka ugu saboolsan.

 

Madaxda sharafta leh, Mudaneyaal iyo Marwooyin, Caqadaha taariikhiga ah iyo kuwa casriga ah ee saameynaya horumarka Soomaaliya Inkasta oo Alle ku mannaystay fursado waa wayn iyo khayraad horumar horseedi kara, haddana mid ka mid ah sababaha ay Soomaaliya ula harjadayso sidii ay ku gaari lahayd horumar waara ayaa ah dhaxalka colaad daba dheeraatay iyo xasillooni darro siyaasadeed. Balse waxaan hadda si guul leh u xallinaynaa labadooda annagoo u marayna wadahadal iyo iyo geeddi-socod dowlad dhis loo dhan yahay.