Shiinaha ayaa ugu danbeyntii u hambalyeeyay madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden kaddib in muddo ah uu ka aamusnaa guusha Biden.

“Waxaan qaddarineynaa doorshada shacabka Mareykanka, waxaan u hambalyeeyneynaa Biden iyo Hariss” ayuu yiri afahayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha.

Xiriirka Mareykanka iyo Shiinaha ayaa ah mid u muhiim u ah labada dal iyo guud ahaan caalamka, waxaana labadan dal ka dhex taagnaa dagaal dhanka ganacsiga ah xilligan safmarka Corona.

Ruushka ayaanan weli wax hambalyo ah u dirin Biden.

Afar sano ka hor madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin wuxuu kamid ahaa madaxdii ugu horreysay ee hambalyada u dirtay Donald Trump balse xilligan lagama hayo wax farrin ah ama hambalyo ah uu u diray Biden.

 

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here