Maamul Goboleedyo Isaga Shirka ka socda magaalada Muqdisho

0

 goordhaw kusoo dhacay warqabadka Shabakada  dayniile.comayaa sheegaya in khilaaf xoogan uu soo kala dhax galay Madaxda Dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ee shirka uga socdo Muqdisho.

Shirkan oo galay maalintii afaraad ayaa la filayay in lasoo gabo gabeeyo lagana soo saaro qodobo la isku raacsan yahay, hasa ahaatee shirka ayaa hada waxaa soo wajahay caqabado hor leh oo keenay in shirka ka baxaan qaar kamid ah Madaxda maamul goboleedyada.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in shirka maanta banaanka ka joogaan kana baxeen sadex kamid ah Madaxweynayaasha maamulada oo kahor yimid qodobo Madaxweynaha Soomaaliya wato .

Qodobada la isku hayo ayaa la sheegay in kamid yihiin doorka ay maamulada ku yeelanayaan guddiga Doorashada iyo sidoo kale tirada magaalooyinka lagu qabanayo doorashada Xildhibaanada, waxaa sidoo kale la isku hayaa arinta xisbiyada.

Madaxda maamul goboleedyada shirka ka baxay ayaa sheegay in aysan raali ka aheyn Damaca Madaxweynaha ee ku aadan qodobada qaar, waxaa sidoo kale la isku hayaa hirgalinta qaar kamid ah qodabadii kasoo baxay shirkii Dhuusomareeb3.

Sida aan wararka ku helnay waxaa socda dadaalo lagu doonayo in madaxda shirka ka baxday dib loogu soo celiyo, waxaana suurto gal ah in qodobada qaar ka tanaasulo Madaxweynaha Soomaaliya si shirka u noqdo mid miro dhala.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha warkan kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here