Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska dowlad Deegaanka Soomaalida Gaashaanle sare Cabdiqaadir Maxammed ayaa sheegay in ciddii lagu helo wax baal marsan bayaanka xaaladda deg-degga ah laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

Taliye kuxigeenka oo Shir naraa’id ku qabtay Magalada Jigjiga ayaa ka digay in guud ahaan dowlad degaanka lagu dhex qaato hub sharci darro ah, sidoo kalena iska ilaaliyaan Bulshada waxyaabaha barabagaandada ah.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Shacabka looga baahan yahay inay ka digtoonaadaan waxkasta oo dhibaato u keeni kara, isla markaana cid kasta oo fulin weysa amarka Maamulka tallaabo sharci ah ka qaadi doonaan.

Ugu dambeyn Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska dowlad Deegaanka Soomaalida Gaashaanle sare Cabdiqaadir Maxammed ayaa Bulshada uga digay inay xiriir la sameeyaan Al-Shabaab & xoogaga TPLF ee dagaalka kula jira Ciidamada Federaalka Itoobiya.

Amaradaan kasoo baxay laamaha Amniga dowlad degaanka Soomaalida ayaa daba socda kadib xaalad deg deg ah oo laga dhaqan geliyay Guud ahaan Itoobiya markii uu xoogeystay dagaalka u dhaxeeya Ciidamada Federaalka Itoobiya iyo xoogaga TPLF.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here