Wasaaradda Amniga dowlad Goboleedka Galmudug ayaa sheegtay in Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Galmudug ay si buuxda saakay ula wareegeen deegaanka Qaycad oo maalmihii la soo dhaafay dagaallo xooggan lagula galay Al-Shabaab.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in dagaaladii dhacay Al-Shabaab khasaaro xoogan lagu gaarsiiyay, isla markaana Ciidamada Huwanta ah ay wadaan howlgallo ay barbar socdaan duqeymo dhinaca cirka.

“ Alshabaab ayaa jab xooggan kala kulantay ciidamada huwanta ah ee qaranka iyo kuwa Galmudug ,ayadoo maalintii dorraad ahayd duqayn xooggan oo cirka ah ay ku sameeyeen ciidamada Maraykanka, waxaana bilaabeen in ay furimaha kala duwan isku soo dhiibaan, qaar kalena lagu arkay deegaamo badan, halka dhanka kalena ay ciidamada huwanta ahi ay magaalooyin iyo Goobo istiraatiiji ah oo kale ay ku sii siqayaan ayaa lagu yiri” War kasoo baxay Wasaarada Amniga Galmudug.

In ka badan laba Todobaad ayaa degaano ku yaal Koonfurta Gobolka Mudug waxaa ka socda howlgallo ay hoggaaminayaan Taliyaha Ciidanka Dhulka Janeraal Biixi, Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi & Taliyihii hore ee Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan ( Joon) iyada oo la sheegay inay degaano la wareegeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here