Advertisement

Maamulka Gobolka Banaadir oo kaashanaya Hay’adaha amniga Dowladda Federaalka ayaa howlgallo ka dhan ah Walxaha maanka-dooriya ka sameeyay deegaanka Gubadley ee Duleedka Magaalada Muqdisho.

Advertisement

Howlgalkaan waxaa hoggaaminayay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale oo warbaahinta la hadlay marka uu soo dhammaaday howlgalkaas.

Yuusuf Madaale waxa uu nasiib darro ku tilmaamay in ay weli jiraan Dad qalab cusub usoo iibsaday sidii ay ugu sameyn lahaayeen ama ugu iibgeyn lahaayeen walxaha maanka-dooriya gaar ahaan Calaqa.

Waxa uu bogaadiyay Maamulka Deegaanka Gubadley oo xog baaris ku sameeyay goobtaan kahor inta aysan tagin Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka oo markii dambe burburiyay Warshadda, Agabka & dhammaan waxyaabihii kale ee loo adeegsanayay.

“Muddo hal saac ah ayaa usoo soconay meeshaan, waxaana joognaa Warshaddii labaad ee Calaqa, Xaaraanta & Daraagiska ummaddeena la degay, waxa aan arkeynaa Jawaanadii Xashiishka, Caagadihii lagu shubi lahaa, Digsiyo cusub iyo iyada oo la karinayo, waa nasiib darro in weli dad ay wax ka raadinayaan wixii ummaddeena lagu fasahaadinayay inaga oo galnay goobihii waaweynaa ee maandooriya & dhaqan xumada lagu hayay” Yuusuf Madaale.

Duqa Muqdisho ayaa dhanka kale sheegay in ay qabteen labo gaari, Dadkii ka shaqeynayay Goobta lagu diyaarinayay Walxaha maanka-dooriya halka hay’adda ammaanka Dowladdu ku raad-joogaan labo qof oo kala ah Rag & Dumar oo goobta lahaa balse aanay suuragelin in lagu qabto isla goobtaas.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay ka go’an tahay howlgallada ka dhanka ah walxaha maanka-dooriya ee ka socda Magaalada Muqdisho oo qayb weyn ka ah falalka amni darro iyo dhaca loo geysto dadka rayidka ah.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here