Ku simaha Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Gudoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Md Axmed Xasan Iimaan ayaa maanta dhagax dhigay wado muhiim ah oo kutaalka magaalada Muqdisho taa oo sanado badan bur bursaneyd.
Wadadan uu maanta dhagax dhigay Gudoomiye Axmed Iimaan ayaa ka bilaabata Ex Hotel Shabeele waxa ayna sii marta Beerta Nabadda ilaa iyo isbitaalka Martiini, waxaana wadadan la filayaa in dhawaan dib u dhis lagu sameeyo.
Ku simaha Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Axmed Iimaan ayaa sheegay in wadadan la dhagax dhigay bur bursaneyd 30-kii sano ee lasoo dhaafay, waxa uuna tilmaamay in wadadan muhiim u tahay isku socodka dadka iyo gaadiidka.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaana ku guuleestay in dib u dhis ku sameeyaan Wadooyin badan oo bur bursanaa oo kuyaala magaalada Muqdisho kuwaa oo la saaray laami iyo sidoo kale dhagxaanta loo yaqaan Inter Lock.
  

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here