Advertisement

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in is baddel Amni oo muuqda in uu ka jiro Degmada Kaaraan oo muddo kahor culeys Amni ka jiray kaddib markii ay dhibaatooyin ka geysteen Dhalinyarada loo yaqaan ‘Ciyaal weerada, Burcad Dadka dhac u geysata & kooxo dilal geystay’.

Advertisement

Guddoomiye ku xigeenka Amniga & Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye Yabooh oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in isbaddel weyn uu ka jiro Degmada Kaaraan oo isu socodkeeda dib usoo laabtay.

“Degmooyinka aan soo gaarnay culeys amni ayaa ka jiray laakiin hadda baryihii u dambeeyay Amnigu aad iyo aad ayuu u fiicnaa, sida ay ku warrameen hay’adaha Amniga anagana guud ahaan ula socono” ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka Amniga & Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir.

Yabooh Waxa uu sheegay in ay xiran yihiin dad ku eedeysan kiisas ka dhacay Degmadaas halka lagu raad-joogo qaar kale oo dabagalkooda ay ku howlan yihiin Hay’adaha Ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Degmada Kaaraan waxa ay ahayd meelihii ugu cuslaa oo ay ka dhici jireen dambiyada kala duwan oo mar ay geysanayeen Ciyaal-weeradu, burcadda hubeysan iyo Kooxaha Khawaariijta, Dadka Shacabka waxa ay dareemayaan Amni badan oo waqtiyada salaadda ay aadaan habeen & maalin oo dukaameystaan, dambiyaasha falalkaas geysan jiray in badan oo kamid ah Xabsiyada ayay ku jiraan inta dhiman waa lagu raad-joogaa” Maxamed Axmed Diiriye Yabooh.

Isbaddel dhanka Amniga ah ayaa ka jira Magaalada Muqdisho iyada oo ay howlgalayaan Ciidamada dhawaan lagu soo tababaray Dalka Uganda ee ah Booliiska qaabka Militariga u tababaran, goobo baaris ah ayay ka sameysteen xaafadaha iyo Wadooyinka caasimadda.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here