Advertisement

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqay in maanta uu billaabayo howlaha biyaha looga saarayo waddooyinka Magaalada Muqdisho kaddib roob xooggan oo Jimcihii ka da’ay Degmooyinka Gobolkaan.

Advertisement

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Madaale oo ay wehliyeen mas’uuliyiin Degmo iyo qaar kamid ah howlwadeennada Dowladda Hoose ayaa sheegay in maanta la billaabayo howlaha biyaha looga qaadayo waddooyinka socodkoodu go’ay.

Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa sheegay in xalay shaqada ay qabteen ay ahayd u gurmashada Dadka sida in la siiyo Meelo ay jiiftaan iyo cunno ay cunaan.

“Illaa hadda dedaalka wuu socdaa oo howshu waan ku jirnaa, Joodariyaal ayaa loosoo daabulay si ay ugu jiiftaan Qoysaskaan, cunno ayaan siinay maadaama ay gaajoonayaan, Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Magaalada Muqdisho gacantooda ayaan u baahan nahay” Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho.

Wajiga xiga oo ah in biyaha laga qaado waddooyinka iyo goobaha biyuhu degaan ee buux-dhaafiyay ayuu shaaciyay in maanta ay ku dhaqaaqayaan shaqadaas inkii awoodda Dowladda Hoose ku siman waa sida uu yiri Duqa Muqdisho Yuusuf Madaale.

“Badbaadinta dadka shacabka ah ee Masaakiinta ah ayaan u taaganahay, illaa hadda khasaaraha dhimashada waa 4 ruux oo qof kamid ah ku dhintay warta Siigaale, Dadka leh Booyadaha ayaan la xiriirnay si ay biyaha uga qaadaan waddooyinka, qaarkood ayaa duhurkii kahor nala kowsaday” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Roobkii shalay ka da’ay Magaalada Muqdisho ayaa saameyn taban ku reebay Xaafadaha iyo waddooyinka Caasimadda, saakay waxaa weli xiran waddooyin muhiim ah kaddib markii biya degeen ay noqdeen.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here