Baladweyne (dayniiile.com)-Wararka laga helaayo Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in fatahadii wabiga iyo daadadkii roobabku ay guud haan xaafadaha Magaaladaasi isku si u harqiyeen oo aaney jirin hal xaafad oo ka bad baaday.

Gudoomiye ku xigeenka arimaha bulshada Gobolka Hiiraan ayaa u sheegay idaacada Kulmiye in dhamaan afarta xaafadood ee bari iyo qoraxsinba leh inay biyuhu galeen islamarkaana ay ka kormareen  wadooyinka iyo guryaha qaarkood.

Advertisement

“xitaa guryihii dhagaxa ahaa biyuhu waa dar dareen khasaaraha ugu badan ee aan heynana waa khasaare hantiyeed , ma jirto wax khasaare nafeed ah oo hada aan diiwaan gelinay”ayuu yiri Gudoomiye xigeenka arimaha bulshada Maamulka Gobolka Hiiran.

Guud ahaan Dalka Soomaaliya iyo dalalka dariska qaarkood waxaa bishii hore iyo bishaanba ka da’aya roobab hore loo saadaliyay kuwaasoo la sheegay inay qeyb ka yihiin roobabka dabeylaha Elnino oo dhowr iyo toban sano ka hor mar sidaan oo kale Soomaaliya uga da’ay inkastoo xiligaasi dalka dhan aysan ka da’in iyagoo u badnaa gobolada Jubooyinka.

Sida Dowlada diiwaan gelisay 31 ruux  Soomaali ah ayaa ku dhintay ilaa hada roobabkaani inta la diiwaan geliyay kuwaasoo kala bar ay ku dhinteen Gobolka Geddo oo  kaliya.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here