Madaxweyne kuxigeenka koobaad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa garoonka diyaaradaha Kismaayo kusoo dhaweeyey James Swan oo ah Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee QM (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa Xafiiska Hawlagalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Madaxweyne kuxigeenka ayaa qaybta nasashada ee garoonka Kismaayo ku qaabilay Wafdiga uu hogaaminayo James Swan, iyadoona soo dhaweeynta kadib uu wafdiga aqalka Madaxtooyada Jubbaland uu kula kulmi doono Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam.

Wafiga Beesha Caalamka oo shalay kulan la yeeshay Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa in Kismaanyo kulan kula yeeshaan madaxweynaha Jubbland

Kulanka ayaa looga goleeyahay sidii Shirka Bari ka Furmayo dhuusamareeb looga wada qeyb gali lahaa wax Soomalida Dan u ah uga soo bixi lahayeen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here