Garowe (dayniiile.com)-Masuul ka tirsan Maamulka Puntland ayaa ka hadlay is rasaaseyn maanta ka dhacday Magaalada Garowe taasoo sababgay dhimasho iyo dhaawac.
Sida wararku sheegayaan iska hor imaadka wuxuu u dhexeeyay ciidamo la socday Kabtan ayuub oo ah Youtuber reer Puntland ah iyo kooxo hubeysan waxaana ku dhintay hal ruux halka laba kalana ay ku dhaawacmeen.
Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdiraxmaan Xaaji Abshir oo wareysi siiyay BBC-da ayaa sheegay inay dhacdadaan ka danbeeyaan mucaaradka Dowlad Goboleedka Puntland inkastoo iyaguna beeniyeen inay iska hor imaadka maanta ku lug leeyihiin.
Gudoomiyaha ayaa ku eedeeyay mucaaradka inay mudooyinkaan danbaba qas ka wadeen Garoowe hadana ay iyaga ka danbeeyaan.
“barxada Garowe ayay is rasaaseyntu ka dhacday waxaana wada arintaan qolooyin shufto ah oo Garowe aad looga yaqaan islamarkaana Nabadoono u maarawaayeen”ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdiraxmaan Xaaji Abshir oo wareysi gaar ah siiyay BBC-da..
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM