Waxaa kulan gaar ah magaalada Qardho ku yeeshay Gudiga Amniga  Gobolka Karkaar ee Puntland, iyaga oo kulankooda uga hadlay arimaha ammaanka iyo horumarinta, iyada oo gudoomiyay shirka Gudoomiyaha Gobolka Karkaar Cabdi Saciid Cismaan.

Shirkaan ayaa diiridda lagu saaray, shaqooyinka horumarineed ee socda, u diyaar garawga diiwaan-getinta codbixiyayaasha degmooyinka Gobolka Karkaar oo Dhawaan bilaabanaysa, waxaana sidoo kale laga soo saaray amni oo hubka Sharci darada ah, ee Magaalada lagu dhex-maro.

Masuuliyiinta Gobolka Karkaar, Saraakiisha Laamaha Amaanka oo uu hormuud u yahay Taliyaha Qaybta booliska Gobolka Karkaar Cabdirisaaq Faarax Warsame ayaa goob-joog ka ahaa kulanka.

Guddoomiyaha Gobolka Karkaar ee Puntland  Cabdi Saciid  Cusmaan ayaa Warbaahinta u faah faahiyay Go’aannada amni oo ay kasoo saareen Shirkii ay ku yeesheen Magaalada Qardho.

Magaalada Qardho oo dhawaan ay kusoo rogmadeen daadad ka dhashay Roob ka da’ay halkaas ayaa waxaa ay kamid tahay magaalooyinka ugu amniga wanaagsan degaannada Puntland, wallow mararka qaar ay dhibaato ka geystaan maleeshiyaad ka ganacsada waxyaabaha maanka dooriya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here