Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shir guddoomiyay kulanka guddoonka sare ee Maamulka Gobolka Banaadir oo ka qabsoomay Xarunta dowladda Hoose ee Xamar.

Kulanka Guddoonka sare ee Maamulka Gobolka ayaa waxaa inta uu socday looga hadlay arrimo ay kamid yihiin dardargalin howlaha kala duwan ee lagu horumarinayo magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Guddoomiye Sheekh Yuusuf Madaale ayaa warbixina ku saabsan howlihii u qabsoomay Maamulka Gobolka Banaadir iyo kuwa la filaayo in la hirgaliyo ka dhageestay Guddoomiye ku-xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir iyo Xog’hayaha guud ee Maamulka Gobolka.

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka ayaa Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolkaan Banaadir kula dardaarmay inay dardar-geliyaan howlaha muhiimka ah ee horyaalla, gaar ahaan arrimaha nadaafada caasimadda iyo  amniga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here