Waxaan baaq nabadeed u dirayaa beelaha walaalaha ah ee dirirta foosha xun ee sokeeye ku dhex marayso Deegaanka xananbuure ee Gobalka Galgaduud waxaan sidoo kale u tacsiyeynayaa ehelada intii ku dhimatay dagaalkaas inta dhaawaca ahna allaha u booga dhayo.

Waa wax laga Xumaado in maanta oo deegaankeena ay Cadawga Khawaarijtu ku hareeraysan yihiin in aan inaga dhexdeena isku jeesano meeshii aan u midoobi lahayn la dagaalanka arxan laawaayasha argagixisada ee Haldoorkeena Gumaadaya Maalin kasta.

Waxaa kaloo nasiib daro weyn ah in halka beelaha walaalaha ahi isku dagaalayaan oo 45 Km u jirta Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb oo ay waliba ku suganyihiin masuuliyiintii dalka u dhaartay 4 sano ka hor ilaahay hortiis lagu Weeydiinayo meeshii ay ka danqanlahaayeen una istaagilahaayeen sidii loo jooji lahaa dhiiga qubanaya in ay ufadhiyaan shir aan maslaxad ugu jirin umada somaliyeed looganaweecday dariiqii lagubadbaadinlahaa dalka godka kusiidhacaya iyo xaflado wax qiimo ah aan laheyn oo ay kala muhiimsantahay in la joojiyo dhiiga dadka ehelka ah ee daadanaya.

Waxaan leeyahay walaalaha dagaalamaya Nabad baa idin wada deeqda nabad ayaad kuwada noolan kartaan walaalayaal dagaalka joojiya oo cadawgiina indhaha aad isku eegaysaan ku eega cadowgiina.

Waxaan markale ugu baaqayaa culamaa udiinka odayaasha dhalinyarada haweenka iyo dhamaan wax garadka deegaanka in loo istaago sidii loojoojinlahaa dhiiga Daadanaya.

Lasoco serious chenel.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here