CEEL-DHEER (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Magaalada Ceel-dheer ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamada Macawisleyda Beesha Waceysle  ay nin Alshabaab ka tirsanaa ka soo qabteen deegaanka Hul-caduur oo hoostaga degmada Ceeldheer.

Ninkaan Alshabaabka ah  oo magaciisa lagu sheegay Yacquub Cismaan Ibraahim  ayaa lagu soo qabtay howlgal  ay maanta sameeyeen macawisleyda reer Ceeldheere ee Gobolka Galgaduud.

Advertisement
Yaaquub oo ay ciidamadu weydiiyeen halka uu asal ahaan ka soo jeedo iyo cida ku tashkiilisay Alshabaab inuu ku biiro ayaa sheegay in saaxiibkiis uu ku tashkiiliyay islamarkaana uu asal ahaan ka soo jeedo deegaanka Qalimoow ee Gobolka Shabeelaha dhexe.
“markan ku biiraayay waxaa ka imid Qalimow waxay i geeyeen ,Galcad,waxay iisii wareejiyeen,Gal-hareeri kadibna waxay la ii gudbiyay Camaara kadibna waan ka soo goostay”ayuu yiri Yacquub Cismaan Ibraahim oo Alshabaab ka tirsanaa balse maanta la soo qabtay.
Taliye Cabdule oo ka tirsan Macawisleyda Reer Ceel-dheer ayaa sheegay in ninkaani ku soo qabteen howlgal ay sameeyeen ayna ku wareejinayaan laamaha amniga .

Sidoo kale Sarkaal kale oo isna hadlay ayaa ku goodiyay inay shacabka ka dul qaadi doonaan dhibaatada ay ku hayaan Alshabaab ayna dhamaantood soo qabqaban doonaan.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
No description available.
No description available.No description available.No description available.
“cid wax ku dhimeysa ma jirto waxaad maree laamaha amniga”ayuu yiri Taliye Cabdulle oo la hadlayay wiilka alshabaabka ah ee ay qabteen
Ninkaan wuxuu intaasi ku daray inuu ka mid ahaa saraakiisha Alshabaab u qaabilsan sameynta miinooyinka,islamarkaana waqtiyadaan danbe ee ka howlgalayay koonfurta gobolka Mudug.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
No description available.
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here