(BANDIIRAD-LEEY)-Munaasabad maanta ka dhacday Degmada Bandiiradleey dhankeeda Galmudug ayaa Puntland lagu wareejiyay gaadiid dhanka Puntland laga leeyahay.

Masuuliyiin ayaa ka soo qeybgashay munaasabada kuwaasoo isugu jira labada Faderaalka iyo  maamul puntland iyo Galmudug.

Advertisement

Gudoomiyaha Gobolka Mudug dhanka Galmudug C/naasir C/qaadir Cabdulle ayaa ugu horeyn munaasabada ka sheegay inay si shuruud la’aan ah uga soo qaadeen maleeshiyaad hubeysan oo reer Galmudug sedex gaari oo nuuca xamuulka ah lagana lahaa dhanka Puntland.

No description available.

C/naasir C/qaadir wuxuu xusay in si sharci daro ah oo dulmi ah lagu heystay gaadiidkaasi islamarkaana ay ku waraajiyeen dhanka Puntland.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee dhanka Galmudug ayaa sedexda gaari furayaashooda wuxuu ku wareejiyay dhigiisa dhanka Puntland oo munaasabad goob joog ka ahaa.

No description available.

“waxaa qabsaday niman aan waxa xaqa ku lahayn, si sharci daro ah ayayna ku heysteen ,waxaan ka soo qaadnay gacantii heysatay ,waxaan ku wareejino gacantii lahayd”ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Mudug dhanka Galmudug

Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee dhanka Puntland Faysal Sheekh Cali ayaa munaasabada kaga mahadceliyay reer Galmudug sida ay ugu dadaaleen inay soo celiyaan gaadiidkii dhankooda ka maqnaa.

No description available.

Faysal Sheekh Cali wuxuu labada dhinac puntland iyo Galmudug uga digay inay iska ilaaliyaan dadka walaalaha isku diraya.

“waa nasiib daro inaan garan wayno in shabaab iyo sharwadayaal naga dhex shaqeystaan”ayuu yiri Gudoomiye Faysal Sheekh Cali

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

No description available.No description available.No description available.No description available.

No description available.No description available.

No description available.No description available.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here