Wefdi uu hoggaminaayo Madaxa Xafiiska Hay’adda UNCHR ee Soomaaliya Magatte Guisse ayaa booqasho ku tegay Xarunta qaabilaadda Qaxootiga ee magaalada Boosaaso. Wefdiga waxa kormeerka ku wahelinayey Sarakiisha Hay’adda UNHCR ee Gobolka Bari gaar ahaan Boosaaso.

Wefdiga waxa halkaas ku soo dhoweeyay mas’uuliyiinta xarunta Xarunta qaabilaadda Qaxootiga magaalada Boosaaso iyo saraakiil ka tirsan wasaaradda Arrimaha gudaha dowladda Puntland.

Labada dhinac ayaa yeeshay shir ku saabsan dar-daar galinta howlaha shaqo ee ka dhexeeya Wasaaradda iyo hay’adda UNHCR.

Shirka waxaa sidoo kale shirka goob joog ahaa Sarakiisha Hay’addaLaanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha dekadda Bosaaso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here