Madaxda Afrika oo loogu baaqay in ay la yimaadaan qorshe dhaxalgal u ah kobaca Dhaqaalaha

Madaxweynaha dalka Ruushka Vladamir Putin ayaa ugu baaqay hogaamiyeyaasha qaarada Afrika in ay la yimaadaan qorshe dhaxal gal ah oo lagu hormarinayo kobaca Dhaqaalaha.

Mr Putin oo daahfuray shirka Ruushka iyo Afrika oo ka socda magaalada Sochi ayaa tilmaamay in dalkiisa uu caawin karo qaarada marka ay la yimaadaan hiigsi muuqda oo wax ka badalaya xaalada sida ay Tahay.

Dhanka kale wuxuu tilmaamay in ka dal ahaan uusan faragalin ku sameyn doonin balse wax walba ay ku dhaqaaqayaan marka hogaamiye yaasha Afrika ay la yimaadaan mashruuc lagu hormarin karo Wadamadooda.

Shirka Ruushka iyo wadamada Afrika ayaa inta uu socdo waxaa looga hadli doonaa iskaashiga dhaqaalaha Tiknoolajiyada iyo Amniga.

Madaxweynaha dalka Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ka mid ah hogaamiyeyaasha ka qeybgaleysa shirka oo lagu casuumay waxaana xaadir ku ah magaalada Sochi inkabadan 35 madaxweyne oo ka socda dalalka Afrika.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064