Madaxtooyadda Soomaaliya oo ku dhawaaqday in Madaxweynuhu beri barlamaanka ka codsan doonno dib u soo celinta hanaankii doorasho ee 17 Sep, dalkuna uu doorasho aadi doono.

Barta twitter ee agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Abdirashid Mohamed Haashi ayuu ku sheegay in madaxweynaha oo ah ilaaliyaha dastuurka uu sidaas u sameyn doono si uu isugu dheelitiro laamaha fulinta iyo sharci dejinta maadama fulintii intii badneed isku raaceen ku laabashada hanaankii Sep17!

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo saacadihii u danbeeyey warar kala duduwan lagu faafinayey baraha bulshada iyo qaar ka mid ah websiteyada oo sheegayey in kulanka beri uu ku saabsan yahay arimaha aan ahayn kuwa loo balamay.
Goor sii horaysayna waxa arintaas beeniyey gudoonka golaha shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here