Buuq hor leh ayaa waxa uu ka jiraa gudaha xarunta madaxtooyada soomaaliya,iyadoo madaxweynaha uu wajahayo culeysyo dhinacyo kala duwan uga furan xalintooda

Maalmo kahor bogga rasmiga ah ee Madaxtooyada ee Twitter ka Villa Somalia lagu share-gareeyey qoraal uu boggiisa gaarka ah soo dhigay murashixii laga guulaystay ee Kenya Raila Odinga, lana follow gareeyey bogga Odinga. Iyadoo kadib laga saaray qoraalka bogga Villa Somalia.

Haddaba Maxaa ka socda qeybta Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya?

Sida ay sheegayaan wararka la helay Xafiiska Warfaafinta ee villa Somalia waxaa ka taagan khilaaf xoogan oo salka ku haya arimo dhowr ah oo la isku qabtay.

Xiisadaasi ka dhex taagan Agaasimaha cusub ee Xafiiska C/qaadir Cali Dige iyo Afhayeenka Madaxtooyada C/kiriin Cali Kaar oo isku haya dhowr waxyaabood.

Sida xogta caddeyneyso khilaafkooda oo ahaa mid muddo dheer soo jirey ayaa waxaa uu ka bilowday:

1.Arrimo dhaqaale oo ay ugu horrayso sahayda safarrada.

  1. Fursadaha ka soo muuqashada warbaahinta .
  2. Iyo Maamulka shaqaalaha.

In muddo ah afhayeenka hadalladiisa laguna baahiyo Bogga rasmiga ah ee Villa Somalia, iyadoo dhanka kale, Khilaafkaan hoos u dhac weyn u soo jiiday habsami u socodkii shaqada xafiiska taasoo si weyn looga dareemay diyaarintii Barnaamijka 100-ka maalmood iyo saameyntii guud ee xafiiska.

C/qaadir Cali Dige iyo C/kiriin Cali Kaar ayaa waxa buuqooda soo fara geliyey Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Xuseen Sheekh Maxamuud Xuseen,isagoo isku dayaya inuu xaliyo ismari waaga labada Afhayeen ka dhex jiro.

Dawladda Madaxweyen Xasan Sheekh Maxamuud oo halku dhig u aheyd inuu sameenayo (Soomaali Heshiis ah,dunidana la heshiis ah) ayaa waxa hadda laga sugayaa sida ay dadka qaar sheegayaan in xubnaha ka ag dhaw iyo Beeshiisa uu heshiis dhex dhigo si uu inta kale halku dhigaasi u gaarsiiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here