Madaxwayne ku xigeenka Puntland “Cid kasta oo ku lug yeelata dhacdada Gaalkacyo waxaa laga Qaadi Doonaa Tallaabo Sharciga Waa faqsan”.

Waxaan ka tacsiyaynayaa shaqaadada ka dhacday caawa Gobolka Mudug gaar ahaan Degmada Gaalkacyo, waxaan Eebe Janatul Fardowsa u waydiinayaa askarigii ku nafwaayey, inta ku dhaawacantayna waxaan u rajaynayaa in Eebbe u booga-dhayo oo uu ugu horeeyo Nabadoon Yaasiin Cabdisamad iyo Taliye ku xigeenka qaybta Gobolka Mudug.

Waxaan aad uga xumahay dhacdadan liddiga ku ah nabadgelyada iyo xasiloonida Gobolka iyo kan Degmada,sababtayna dhaawaca iyo dhimashada muwaadiniin reer Puntland ah.

Waxaan u magacabayaa Guddi ka hawlgasha baarista iyo u kuurgalidda shaqaaqadaas.

Baaris ka dib, cid kasta oo falkaas ku lugyeelata waxaa laga qaadi doonaa talaabo sharciga waafaqsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here