Madaxweynaha dowlad goboledka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa gudoomiyaha Gobolka Galgaduud u magacaabay Cilmi Cali Cabdi, waxaana xilka laga qaaday Guddoomiyihii ka horreeyay.

Wareegto ka soo baxday goordhow xafiiska madaxweynaha Galmudug ayaa Cilmi Cali Cabdi loogu magacaabay guddoomiyaha gobolka Galgaduud ee Gowlad Goboleed Galmudug.

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi kaariye ayaa faray dhammaan hay’adaha Dolwadda oo ay ugu horreeya kuwa Amniga ayaa faray in ay la shaqeeyaan Guddoomiyaha Cusub ee uu magacaabay.

Qoor-Qoor ayaa waday isku shaandheyn uu ku sameynayo hoggaanka Goballada Maamulkaas asiga oo 31 March 2022 xilk Guddoomiyaha Gobalka Mudug u magacaabay Axmed Xuseen shire (bukhaari).

Halkaan ka akhriso Magaacibista Guddoomiyaha.

No photo description available.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here