Jowhar: 31 Janaayo 2021:

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Ali Gudlawe Husein ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka Golaha Xukuumada DG Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa Shirka Golaha Wasiirada ee maanta golihiisa uga warbixiyay socdaalkii uu dhowaan ku tahay Magaalada Muqdisho iyo kulamadii kala duwanaa ee uu lasoo qaatay Madaxda ugu sareeyo dalka iyo wakiilada beesha caalamka.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa golaha la wadaagay in dhowaan la bilaabi doono howlgalo argagixisada looga sifeynayo guud ahaan deegaanada Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa Golaha Xukuumada la wadaagay in uu kulan lasoo qaatay safiirka Dalka turkiga u fadhiya Soomaaliya dhowaana la bilaabi doono dhismaha wadada laamiga ee Muqdisho iyo Jowhar.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa warbixino ka dhageystay Wasiiradda Amniga, Qorsheynta, Dhalinyaradaiyo Ciyaaraha, Dib u Heshiisiinta iyo Waxbarashada.

=DHAMAAD=
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA
DOWLADDA HIRSHABEELLE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here