Madaxweynaha Dowad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xafiiskiisa Magaalada Baydhabo ku qaabilay Gudoomiyaha Gollaha Shacabka Baarlaamanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaliya Mudane Maxamed Mursal Shekh Cabdiraxmaan oo maanta Baydhabo soo Gaaray.

Qaabilaad iyo kala warqaadasho Madaxda waxay ka wada hadleen Xaalada Dalka iyo Arimaha Doorashooyinka.

Kulanka waxaa sido kale qeyb ka ahaa Gudoomiyaha Gollaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cali Saciid Fiqi.

Gud. Mursal ayaa kamid ah tar-tamayaasha Musharixiinta Kuraasta Golaha Shacabka ee dhawaan laga soo saaray koofur Galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here