Madaxweynaha Nigeria Muhammadu Buhari ayaa sheegay in dalkiisa ay soo food saareen caqabado dhowr ah oo tijaabo ah oo burburin lahaa waddamo kale.

Madaxweynaha oo 20 daqiiqo khudbad ka jeedinaayey telefishinka dalka iyadoo la xusayay maalinta Dimuqraadiyadda dalka, madaxweynaha ayaa sheegay in dalku sidoo kale ka gudbay dhibaatooyinka qaar gaar ahaan kuwa amniga la xiriira.
Buhari kama uusan hadlin xayiraada twitter-ka, taasi oo dhalisay cambaareyn ballaaran.

Waa markii seddexaad ee hal toddobaad gudihii Buhari lahadlo dadka reer Nigeria.

Madaxweynaha ayaa yiri, Maalinta Dimuqraadiyadda “waa xus loo sameynayo xorriyadda, iyo guul u soo hoyatay Nigeria.”
Wuxuu qirey ballanqaadkiisii ahaa inuu soo afjarayo amni darrida sii kordheysa, gaar ahaan kacdoonka ka socda Woqooyi Bari.

Office Nairobi Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here