Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa waxaa gaaray wafdi ka socda Dowladda Finland  oo uu hoggaaminayo madaxa horumarinta mashaariicda ee Finland u qaabilsan Soomaaliya Mauri Starckman.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulan la qaatay wafdiga ka socda Dowladda Finland oo uu hoggaaminayo madaxa horumarinta mashaariicda ee Finland Mauri Starckman.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa sidii loo laba jibaari lahaa mashaariicda horumarin ee Finland ka wado Puntland gaar ahaan arrimaha ka hortagga nabaadguurka iyo ilaalinta deegaanka.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay qaarka mid ah Jaaliyadda reer Puntland ee dalka Finland, Wasiiro ka tirsan Golaha Xukuumadda, Siyaasiyiin iyo aqoonyahan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here