Madaxweynaha Soomaaliya oo dalka dib ugu soo laabtay

Madaxweynaha Dowladda Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo ayaa dalka dib ugu soo laabtay kadib safar mudo labo maalin ah oo uu ku joogay dalka Cumaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dalkaasi u tagay ka qeyb galka tacsida Suldaan Qaabuus Binu Siciid oo dhawaan ku geeriyoodey dalkaas.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya oo Suldaanka cusub ee Cumaan Haysam Bin Daariq kula kulmay Qasriga Saldanada dalkaas ayaa la wadaagay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay la qaybsanayaan murugada geerida Suldaan Qaabuus oo kaalin ka qaatay gurmadka shacabkeenna wakhtiyadii adkaa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyey Suldaanka cusub ee dalkaas Suldaan Haysam Binu Daariq in uu sii amba-qaado dhaxalkii horumarineed ee uu ka tagay Suldaanka geeriyooday, isagoona sheegay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee kala dhexeeya walaalahooda dalka Cumaan.

Dhankiisa, Suldaan Haysam Bin Daariq ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ka soo qayb-galka tacsidan iyo in maalmahan murugada leh ay garab istaageen shacabka iyo dowladda Cumaan.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064