Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa talooyin dhowr ah u soo jeediyay Madaxda Maamulka gooni isu taaga Somaliland kuwaasoo mudo baadi goobayay inay gooni u istaagaan.
Madaxweyne Museveni wuxuu ugu baaqay reer Somaliland inay la midoobaan walaalahood madaama aysan habooneyn inay gooni isu taagaan.
Museveni wuxuu soo hadal qaaday inuu kulan ka codsaday wakiilka arimaha dibada ugu qaabilsan maamulka Somaliland,isagoona carabka ku adkeeyay madaxweynaha Uganda inuu diyaar u yahay inuu dhex dhexaadin ka dhex sameeyo Dowlada Soomaliya iyo Maamulka Somaliland.
Yoweri Museveni wuxuu ku celceliyay inay qalad tahay in Somaliland ka go’do Soomaaliya inteeda kale madaama istaraatiiji ahaan aysan sax ahayn islamarkaana uusan isagu marna taageersaneyn inay Somaliland gooni isu taagto.
Sidoo kale wuxuu ugu baaqay inay xooga saaraan siyaasada dantooda halkii ay xooga saari lahaayeen siyaasada aqoonsiga .
“ Maamulka Somaliland ha qaato siyaasada danta halkii ay qaadan lahaayeen Siyaasada aqoonsiga”ayuu yiri Yoweri Museveni
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM