Madaxweynahii Hore Sheikh Shariif oo ka hadlay Kulankii Xalay

0

Waxaan aniga iyo Madaxweynihii hore Xasan Shiikh Maxamuud aan xarunta Madasha Xisbiyada Qaran kula kulannay guddoomiyaha Golaha Shacabka Barlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sh Cabdiraxmaan iyo ku-xigeenkiisa koowaad Mudane Cabdiweli Ibraahim Shiikh Muudeey.

Ujeedka kulankeenna wuxuu ahaa in xaaladda dalka leyska wareysto gaar ahaan in Guddoonka Golaha Shacabka uu warbixin la wadaago Madasha Xisbiyada Qaran oo talooyin dhowr mar oo hore u jeedisay hoggaanka dalka.

Si gaar ah waxaan uga doodney baahida loo qabo in doorashooyinka waqtigooda ay ku dhacaan, ayna noqdaan kuwa laga wada tashaday oo loo dhan yahay, keeni kara nabad iyo horumar, loogana gudbi karo xaaladda adag ee dalku uu ku jiro maanta, isla markaana ay jirto mabaadii guud iyo damaanad lagu xaqiijinayo dhammaan qabsoomidda howlahaas baaxadda leh oo ay noo muuqato in madaxda dowladdu aysan daacad ka ahayn.

Waxaan kaloo isla garannay in wada hadallada la sii wado si ay u sahlanaato in isfaham buuxa laga gaaro arrimaha xasaasiga ah ee ku gadaaman doorashada Qaranka, ayna tahay in maankana lagu hayo dhinacyada muhiimka u ah hanaankaas oo ay tahay in dadaal xooggan lageliyo sidii loogu qancin lahaa, si loo helo aragti mideysan oo ay kadhalan karto kalsooni iyo in lagu wada qanco habka doorashooyinka oo loo marayo dariiqa saxda ah ee uu qabo dastuurka KMG ee Soomaaliya.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here