Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa siweyn u duray koox uusan magacaabin oo uu sheegay inay yihiin kuwo is wata,balse kuwaas ysan maamuli Karin dal iyo dad intaba.

Madaxweynaha oo Maanta ka furay kulan ka dhacay magaalada Garoowe ayaa sheegay in Khibradiisa siyaasadeed ee Puntland 3-dii sanno uu joogay iyo aragtida muddadii Federaalka uu qanaaco ku qabaa in koox yar oo iyadu is wadata inaysan dal iyo dad hoggaamin Karin.

Wuxuu sheegay in si waasac ah talo iyo aragti siyaasadeed oo baahsan oo ku saleysan waxqabad aan ku saleysneyn min jecleysi iyo eexeysi, balse hadii taasi la waayo ay halis kujirto Soomaaliya in la ahaado Bulsho degaan cayiman kunool, isla markaana dalka Soomaaliya uu kala qeybsamo burburna uu ku dambeeyo.

Sidoo kale wuxuu sheegay Madaxweyne Deni in koox awood kasta leh ay Soomaaliya uga filan tahay kooxihii hubeysnaa ee dalka soo maray, sida Kooxihii Qabiilka & Al-Shabaab oo uu sheegay in hadda awoodooda ay yaraatay

Hadalkaan kasoo yeeray Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa kusoo aadaya xilli Bilihii la soo dhaafay warar soo baxyay ay sheegayeen in uu jiro mad madow soo kala dhex-galay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud & Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here