Madaxweyne Farmaajo oo Xil sare Magacaabay

0

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo u magacaabay la taliyihiisa arimaha Doorashada iyo siyaasadda Cabdi Cali Raage.

Ilo katirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaana xaqiijiyay in Madaxweyne Farmaajo siyaasiga Cabdi Cali Raage u magacaabay la taliyihiisa arimaha doorasada iyo siyaasada xili la filayo in dalka doorasho ka dhacdo.

Siyaasigan  Farmaajo hada ka dhigay la taliyihiisa arimaha doorashada ayaa ah nin wax badan kala socda arimaha doorashada dalka, waxa uuna horey usoo noqday Gudoomiyihii guddiga doorashada Jubbaland xiligii la dooranayay Baarlamaanka federaalka.

Waxa uu sidoo kale Cabdi Cali Raage soo noqday la taliyaha arimaha siyaasada Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo markii dambe shaqada ka aryay kadib markii ay isku dhaceen uuna soo kala dhax galay khilaaf xoogan.

Lataliyahan uu magacaabay Madaxweyne Farmaajo ayaa kusoo aadaya xili mudo xileedka dowlada ka harsan yahay wax ka yar 6-bilood walina aan la aqoon nuuca doorasho ee dalka ka dhaceysa .

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here