Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta gudoomiyay shirka amniga Dowladda Hirshabeelle.
Shirkaan ayaa looga hadlay amniga guud ee deegaanada Hirshabeelle, Howlgalada lagu ciribtirayo Khawaarijta iyo xakameynta dhaqdhaqaaqa ficilada guracan ee cadowga iyadoo shirkaan warbixinno looga dhageystay saraakiisha amaanka oo ka warbixiyay amniga guud ee Caasimada Dowladda Hirshabeelle.
Wasiirka amniga gudaha ayaa dhankiisa ka warbixiyay qorshaha iyo dhismaha ciidanka, Dufcada 1aad ee Ciidanka Nabad sugida ee tababarka loogu soo xiray Magaalada Beledweyne kuwaas oo xoojin doona xasilinta Magaalada Beledweyne.
Madaxweynaha ayaa bogaadiyay geesiyaasha Ciidanka Qalabka sida iyo Xoogga dib u xoreynta deegaanka ee dhulka miyiga ah ku baacsanaya Khawaarijta arxanka daran isagoo tilmaamay in la joogo waqtigii ugu dambeeyay ee khawaarijta loona baahan yahay midnimada iyo wadajirka bulshada Soomaaliyeed.
-DHAMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA HIRSHABEELLE
May be an image of 7 people and daisMay be an image of 1 person, dais and newsroomMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 2 peopleMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 2 people and dais

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here