Madaxweyne ku-xigeenka  Dowlad Goboleedka  Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan  iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Wafdiga Madaxweyne ku-xigeenka ayaa waxaa degmada Luuq kusoo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Gedo iyo kan degmada Luuq iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Advertisement

Shalay ayaa qorushu ahaa in Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland oo safar ku tago degmada Dooloow balse sababo farsamo darted uu uga baaqday, waxaana la filayaa in booqashadiisa uu ku maro inta badan degmooyinka Gobolka Gedo.

Madaxweyne ku-xigeenka  Dowlad Goboleedka  Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa waxaa lagu wadaa in uu kulamo kala duwan la yeesho Mas’uuliyiinta Maamulada degmooyinka Gobolka Gedo iyo mas’uuliyiinta cusub ee Madaxweynaha Jubbaland u soo Magacaabay Gobolka Gedo.

Madaxweyne ku-xigeenka  Dowlad Goboleedka  Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa muddo dhowr sano ah tegin Gobolka Gedo sababo la xiriira diidmo ay Madaxda Jubbaland kala kulmayeen Shacabka, iyada oo Gobolkaas ay ka talinayeen mas’uuliyiin ay u soo Magacaawday dowladdii Farmaajo.

Previous articleMadaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray magalada Jowhar
Next articleMadaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Magaalada Jowhar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here