Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Baydhabo ku qaabilay Wafdi ka socday Safiirada Beesha Caalamka u fadhiya Soomaaliya oo uu Hogaaminayey Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Amb, James Swan.

Kulanka Madaxweynaha iyo Safiirada Beesha Caalamka oo ay sido kale ka qeybgaleen Wasiiro,Agaasimaha Madaxtooyada iyo a-taliyaasha Madaxweynaha ayaa looga hadlay Xoojinta Howlgallada dalka looga saarayo AlShabaab,wax ka qabashada dadka ay abaartu saamaysay iyo Daadejinta Adeegyada Dowladda.

Wafdiga Wakiilada Beesha Caalamka ayaa uga mahad celiyay Madaxweyne Cabdicasiis laftagareen soo dhaweynta uu ugu sameeyay magalada Baydhabo, iyaga oo ballan qaaday inay kordhin doonaan taageerada ay siiyaan Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa wakiilada Beesha Caalamka uga mahad celiyay taageerada ay siiyaan Soomaaliya, isaga oo dalbaday in Soomaaliya xilligaan laga caawiyo la dagaalanka Al-Shabaab & waxka qabashada Abaarta.

Wafdi ka socday Safiirada Beesha Caalamka u fadhiya Soomaaliya oo uu Hogaaminayey Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Amb, James Swan ayaa waxaa sidoo kale la filayaa inay booqdaan Xarumaha Afarta Dowlad Goboleed ee kale, iyaga oo la kulmi doona madaxdooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here